Wasaarada diinta iyo awqaafta ee dawlada Somaliya ayaa gebi ahaanba joojisay muxaarado uu berito dhigan lahaa wadaadka muranka badan dhaliyay ee Maxamed Umal oo hore u yiri Somalidu waraabaha ha cunaan.
”Wasaarada diinta oo si dadban uga hadashay diidmada lagala horyimi ayaa sheegtay in wadaadku jeedin doono wacyi gelino kale taas oo ayna sheegin sida ay u dhacayso.
Culimada Ahlu sunna iyo Somalida dhamaanteed ayaa diidey urur diimeedka Salafiga/wahaabiyada ee caruurteena u dhigey inay is qarxiyaan iyo gaaleynta argagixisadu la dabajoogto ummada kadib burburkii qaranka.
”Anagu waxaan u dhaxaynaa dadweynaha iyo culimadaba waxaanu wadaadka Maxamed Umal soo jeediyay mar haddii sidan tahay in la baajiyo anaguna waan ku raacnay aya lagu yiri warsaxaafadeed loo aqriyay dadka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS