X

Dawlada oo ka hadashay guul ay gaadhay musuqmaasuq dalka

Dawlada Somaliya ayaa sheegtay inay dagaal weyn ku qaaday la dagaalanka musuqmaasuqa oo mudadii ay jirtey guulo weyn ka gaartey. Somaliya markaste ma noqon karto halka ugu hoosaysa musuqa.


Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda cadaaladda ayaa sheegay in hay’addaha
caddaaladda iyo garsoorku ay yihiin kuwa la rabo inay ku dedaalaan sinnaanta, si loo dabar gooyo musuq-maasuqa aafeeyay Soomaaliya.

Dr. Sulaymaan Maxamed ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya Sannad kasta ay kaalinta koobaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan Adduunka inkastoo xog ururinta dalkaka musuqa badan aan la isku halayn karin.


Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaan Kiiniya u dhashay uu u shegay madaxweynaha dalkiisa inuu kaga deydo Somaliya sida loola dagaalamo musuqa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.