Wasaarada duulista iyo hawada ee Somaliya ayaa soo saartey mamnuucida afar dal oo hargabka Shiinahu dishoodey waxase laga yaabay inay ka reebtay Sucuudiga oo isagu ku daray Somaliya oo Ka nabdoon hargabka Shiinaha.
Dalalka la mamnuucay in muwaadiniinta soo galaan dalka ayaa waxa ku jira Shiinaha, Iiraan, Koofurt Kuuriya oo qof iyo labo ka joogaan Berbera iyo Talyaaniga oo hadda ah aabaha faafiya cudurka.
“Dalka ma soo gali karaan xataa haddii ay Somali yihiin ayaa lagu yiri qoraalka. Talaabadan ayaa la soo dhaweeyay inkastoo lala soo daahay sida uu qabo Cali Calasow.
“Waxaan is weydiiyay maxaa looga reebay Sucuudiga oo Ku darsadey Somaliya oo ka nadiifa cudurka ayuu qabaa Cali Calasow.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS