Dawlada Somaliya ayaa raaligelin ka bixisay dib u dhaca baasaboor Somaliga kadib markii maalmihii u dambeeyay uu ku yimi hakad loo qaatey dhinaca farsamada.
style=”text-align: justify;”>Mas’uuliyiinta Hay’adda socdaalka waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin mudada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixiyay, waxaana ay sheegeen in dhammaan xarumaha bixinta baasaboorada ee dalka ku kala yaal ay howlgali doonaan.
Dib u hawlgelid iyo habayn gaaban ayaa ku socotey qaybta bixinta taas ayaa kentay ayaa lagu yiri warbixinta.
Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xarumo ka furtay magaalooyin dalka ka mid ah kuwaasoo laga qaadan karo Baasaboorka Soomaaliga ah, waxayna taasi u fududeysay shacabka in iyagoo aan imaan caasimadda in gobolada ay ku sugan yihiin ku helaan baasaboorka, iyadoo loo qabanayo adeegyada ay u baahan yihiin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS