X

Dawlada oo sharaxdey sababta Mukhtaar Roobow looga mamnuucay musharaxnimada

Mukhtaar Roobow ayaa laga mamnuucay inuu isa soo sharaxo. Dawlada ayaa soo saartey warqad ay ku sharaxayso sababta loogu diidey hogaamiyihii hore ee kooxda gaalaynta Muslimiinta inuu xil u istaago.

Warqad ay dawladu soo saartey ayaa sidan u qornaa:


Wasaarada amniga Gudaha Dawlada dhexe Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba.


Hadaba wasaarada amniga Gudaha iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulainaysana go’aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaliya cafiska ugu fidiyey dhamaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay.


Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.