X

Dawlada oo war ka soo saartey deegaan ay weerar ku qaadeen

Dawlada ayaa war ka soo saartey deegaan ay weerar ku qaadeen oo dadka ka dulqaadeen wahab iyo argagixiso gumeysi ku hayay. Deegaanka Moqokori ee ka tirsan Hiiraan ayaa ciidamadu weerareen.



Waxase nasiib daro noqotey in haddana at dib uga soo baxeen oo cadowga gacanta u geliyaan cadowgaas oo hadda xasuuq gaysan doona. Taliyaha oo hoggaaminayay Howlgalkaasi ayaa sheegay inay weerarkaasi guuleystay fuliyeen ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad Guutada 2-aad iyo Guutada 5-aad.

Taliyahan ayaan sheegin waxa dib u soo celiyay.



“Howlgaladan waxaa fuliyay Ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad Guutada 2-aad iyo Guutada 5-aad, degaanka Mokoqorina hada gacanteena ayuu ku jiraa, hada xaalada way fiican tahay wax dhib ah oo ka jira ma jiraan argagixisadii wax ay meesha ku haayaan malaha” ayuu yiri Taliyaha.

Dadka deegaanka ayaa ka carooda hawlgalada noocana ee jugjug meeshaada jog ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.