X

Dawlada oo war ka soo saartey mudada xilka uu hayo Shariif Xasan iyo qabsoomida doorashada

Dawlada dhexe ayaa war ka soo saartey mudada xilka uu hayo Shariif Xasan iyo qabsoomida doorashada Koofur Galbeed oo ku began 17 bishan. Odayaal uu wato Shariif Xasan ayaa iyaguna sheegay in dib loo dhigey doorashada.

Odayadu shaqo Kuma laha doorashooyinka iyo nidaamkooda ayuu yiri xildhibaan ka soo jeeda Koofur galbeed oo isagu diyaar u ah inuu dhiibto codkiisa.


Hadaba bayaan ay soo saartey dawlada dhexe gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha ayaa lagu sheegay in aan waxba iska bedelin xilligii loo qoondeeyay doorashada.


Hadalka wasaarada ayaa sidan u qornaa.

Wasaaradda A/Gudaha “Doorashada dowlad goboleedka K/Galbeed waa inay ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka bishan 2018ka”

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka bishan 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Dhamaad

Soo akhrintii iyo diyaarintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.