X

Dawlada Ruushka miyaa saldhig ka rabta Somaliya

Waxa muddooyinkii u dambeeyay soo baxaayay warar been abuura oo warbaahinta reer galbeedku qoraayeen oo sheegaya in Ruushku damacsan yahay inuu saldhig ka samaysanayo geeska Afrika. Dabcan waxa saldhigyo waaweyn Jabuuti ku leh wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Faransiiska, Jabaan iyo Shiinaha.


Haddaba safiirka Ruushka u fadhiya Somaliya iyo Jabuuti oo la hadlaayay saxaafada ayaa sheegay in dalkiisu danaynayn inay wax saldhig ah ka furtaan geeska Afrika oo uu sheegay inuu muhiim u yahay caalamka.


“Kuma jirto qorshaha dawlada in aan saldhig ciidan ka samaysano Somaliya ama geeskaba guud ahaan, waxase jira maraakiib noo joogta badda oo ilaaliya burcad badeeda ayuu yiri danjire Mikaahiil.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.