X

Dawlada Siiriya oo ogolaatey in ay akhwaan muslimiinta Erdogan xabad joojin la samayso: Putin

Madaxweynaha Ruushka iyo kan Turkiga ayaa sheegay in dawlada Siiriya ay ogolaatey in ay xabad joojin hirgasha isla caawa saqda dhexe ka hirgesho goobaha ay joogaan urur diimeedka akhwaanka.

Waxaanse xabad joojinta ku Jirin argagixisada Sucuudiga iyo Maraykanku taageero ee Daacish iyo gacanyarehooda Yuhuudu taageerto ee Nusra.

Madaxweynaha Ruushka oo isagu arintan xooga saaray ayaa heshiis qarsoodiya Turkiga kula leh in urur diimeedka akhwaan Muslimiin qayb ka noqdaan xabad joojinta.

Erdogan ayaa ku faraxsan xabad joojinta iyadoo kooxda uu taageeraa ee akhwaan muslimiin ka dagaalamaan meel u dhow caasimada oo go’doon ku jiraan.

Heshiiskan ayaa waxa ku jirin Sucuudiga iyo Maraykanka iyo kooxaha argagixisada ee ay taageeraan.

Colaada Siiriya ayaa waxa sii huriyay Turkiga iyo Sucuudiga oo dalka hub aad u farabadan soo geliyay kuna dhawaaday in ay xukunka ka tuuraan madaxweyne Asad ilaa Ruushku ka soo gaaray.

Labadan dawladood ayaan isku urur diimeed ahayn. Turkigu cuqdad uma qabo Shiicada halka urur diimeedka Sucuudiga ka taliyo uu diinta ka saaray dagaal toosana kula jiraan masaakiinta Yaman ee xabada rootiga raadinaya.

Labadii ujeedo ee Sucuudiga iyo Turkiga ee kala duwanaa ayaan midkoodna suurageli waayay iyadoo Yuhuuduna rabtey dal burbursan oo jaarkeeda ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.