Muqdisho–Wasiirka arimaha dibedda Somaliya C/salaam Hadliye iyo safiirka Shiinaha Warsame Geeljire ayaa heshiis u kala saxiixay dawlada Somaliya iyo Shiinaha. Heshiiskan ayaa dawlada Shiinuhu bixisey 80 milyan oo lacagteeda ah oo u dhigenta 13 Milyan oo doolar oo ay sheegtay in ay kaga qayb qaadanayso dib u dhista dalka.
Heshiskan oo lagu saxiixay Muqdisho ayaa dawlada Shiinaha oo marwalba ka qaybqaadata dib u diska dalka ku sheegatay in nay sii wadi doonto hawlaha ay ku caawinayso dawlada Somaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS