X

Dawlada Somaliya ma aqoonsan tahay jaamacadaha ka jira dalka

Dawlada Somaliya ma aqoonsan tahay jaamacadaha ka jira dalka. Wasiirka waxbarashada dawlada Somaliya ayaa wax laga waydiiyay in dawladu aqoonsan tahay jaamacadaha batey ee dalka ka jira.


Sidii burburku u dhacay waxa jaantey wadhan noqdey dadka bililiqaystey magaca jaamacad ayagoo furtey xarumo qaarkoodna hantidii qaranka ka faaiideysanaya.


Wasiirka waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa yiri ”“Anaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay oo Jaamacad ahaan u aqoonsanahay oo aan dhihi karno Jaamacadani waan aqoonsahay waayo tayadeeda ayaa wanaagsan, sababtoo ah koow waan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal inay soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah.”


Dhalinta Somaliyeed ayaa waqti dheer looga lumiyaa waxbarasho buga ayadoo badankoodu aan isku geyn Karin xisaab ama diyaarin kara mawduuc ama sharaxi Karin waxay barteen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.