Dawlada Somaliya miyay ka tanaasushey maamulida hawadeeda iyadoo wasiirka u qaabilsan arintaa uu sheegay in dawlada Somaliya aanay awood u lahayn ilaa dhaqaalaha ka soo baxaya lacagta ay Qaramada midoobey cunaysey 25 sano dib loogu soo celiyo dalka. Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa waraysi ku sheegay in aysan awood u laheyn inay Maamusho Hawada dalka Somalia, sidaas darteed aysan lasoo wareegeyn.
Waxa uu sheegay in dawlada Somaliya ay jeclaan laheyd maamulida Hawada dalka, balse aysan heysan agabkii lagu maareyn lahaa dhaqdhaqaaqyada Hawada Somalia. Arintan ayaa imaneysa xilli xukuumadihii tan ka horeeyey ay muddo olole ugu jireen inay lasoo wareegaan maamulka hawada.
Wasiirka waxa uu carabka ku dhuftay in dhamaan dhaqaalaha kasoo xarooda isticmaalka Hawada Somaliya ay u gacangasho Hay’ad taabacsan QM, waxa uuna taasi ku sheegay inay tahay tan kaliya ee cuuryaamineysa awoodii ay dawlada Somaliya ku maamuli laheyd hawadeeda.
Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in ahmiyada koowaad ay wasaaradiisu siineyso dayactirka Garoomada duulimaadyada Somalia min magaalo ilaa gobol, taasina ay imaankarto goorta ay QM soo wareejiso dhaqaalaha ay ka uriiriso hawada Somalia.
Waxa kale oo uu sheegay in laba xarumood la samayn mid Muqdisho ah iyo mid ayuu yiri haddii ay saaxiga keenaan maamulka Hargeysa in Hargeysa laga dhigo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM