X

Dawlada Somaliya oo beenisay war Kiiniya suuqa soo gashatey oo oohina

Dawlada Somaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantey war Kiiniya suuqa soo gashatey oo oohina. Kiiniya ayaa sheegtay in Somaliya ogolaatey in is-fahamkii hore wax lagu dhameeyo arintana uu galay Cabi Axmed.

Saxaafada Kiiniuya oo war noocaasa sugeysa ayaa ku hungowdey markii madaxa is gaarsiinta ee madaxweynaha Somaliya uu si cad oo caro leh u beeniyay.


Anaga iyo Kiniya waxa arini noo taalaa maxkamadaa. Kiiniya ayaa diidey sharciga maxkamadaa waana tan ay ugu cararayso in dhulka Somaliyeed ay si been beena loogu saxiixo.

Waxa hore u saxiixay mid noocana C/raxmaan Cabdishakuur iyo Cumar C/rashiid Sharmaake waxase ka qabtey barlamaanka Somaliya oo diidey. Nasiib daro lama eryin C/raxman Cabdi Shakuur iyo Cumar C/rashiid Sharmaake waxayna ka mid yihiin kuwa ku wareega Kiiniya yo Imaaraadka.


Kiiska ayaa maxkamadu eegi doontaa laba bilood muddo laga joogo hadda. Kiiniya ayaa ka gariirsan laakiin ma Jiro wax kale oo u furan inay aqbasho mooyee, weyna ogtahay inayna rajo sugeyn waana ta keentay inay qaylada badiso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.