X

Dawlada Somaliya oo beenisay warbixin laga qorey wax soo saarka dalka

Dawlada Somaliya ayaa si adag u beenisay weerar lagu soo qaaday wax soo saarka dalka siiba galayda iyo masagada oo aan si xooga loo beeran. Warbixin lagu qorey jaamacad ku taal Ingiriiska ayaa sheegtay in dirxi galay galayda iyo masagada dalka iyo weliba madow sunna oo ku beermay abuurkaas.


Madowga sunta ayaa laga qaadaa cudurka kankarka ee ku dhaca beerka marka la neefsado duulduulkiisa. Waxay sheegeen inuu halis yahay marka duulduulkla madowgaas.

Sawirka hoose waa cudurka lagu sheegayo galayda iyo masagada dalka.


Cudurka fuushan galayda sawirka kore ayaa afka qalaad lagu yiraa aflatoxin b1 Kuma dhinto xataa haddii la kariyo ee wuxu noqdaa keliya biyo raac. Wuxuuse halis yahay marka la neefsado duulduulkiisa.

Dhakhtar Somali ah oo Muqdisho jooga ayaa isagu qaba in cudurka kankarka ee beerka uu ku soo batey dalka ayna ugu wacan tahay beeralay iibinaya galay iyo masago qaba cudurkaas.


Haddaba hay’adda cuntada aduunka Ayaan iyadu ogeyn in cudurkaas ku Jiro daklaga dalka. Ma ogin oo baaritaan Kuma aanan samayn dalaga dalka ayuu yiri xubin u Hadley hay’adaas.


Dawlada Somaliya maxay ka tiri warbixinta

Warbixin ay wasaarada beeraha uga jawaabaysay warbixinta lagu qorey jaamacadaas ayay ku sheegeen in dalaga dalka uu yahay mid dabiici loo beero oo ka dhigin in aan sun looga hortagin cudurada dalagyada ku dhaca, isla markaana warbixintaas ay tahay been abuur.


 ”Waxba ka miraan warbixintas waa been abuur ayuu yiri wasiirka beeraha Saciid Xuseen Ciid. Dabcan marka laga hadlo wax soo saarka dalka oo weliba ay ka hadasho gaalo waxa muuqata inay ujeedo leeyihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.