Dawlada Somaliya oo bixisay xogta xasuuqii Muqdisho inta ay ururiyeen ilaa hadda. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in tirada hadda ay ururiyeen in ay dhantahay 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, wuxuuna sheegay in Dawlada Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Asluubta Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay inuu bixiyay lacag dhan 2,000 oo Dollar, uu ugu tala galay inuu kaga qeyb qaato gurmad loo sameynayo dadka waxyeelada soo gaartay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS