X

Dawlada Somaliya oo codsanaysa in cidamada Afrika aan halsano loogu darin

Soldiers from the Uganda People's Defence Force, part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) leave for Uganda after they ended their tour of duty in Somalia on November 08 2015. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

Ingiriiska oo ka mida kooxda sheegata beesha caalamka ayaa qorshe kale ula cararay qaramada midoobey oo uu ku dalbanayo in ciidamada Afrika loo kordhiyo mudada ay joogaan hal sano oo kale.


Wararka aan helayno ayaa sheegaya in dawlada Somaliya rabto in ciidamada Yugaandha iyo Burundi loo kordhiyo Lix bilood markiiba halka kuwa Kiiniya ee iskood u soo galay ay rabto in si degdega dalka looga saaro.

”Kiiniya laba bilood oo ay kaga baxdo Jubbada Hoose waa ogolnahay laakiin ma ogolin mudo kordhin kale oo loo sameeyay ayuu yiri danjire magaciisa aan qarinay oo xogtan na siiyay.


Bishan aakhirkeeda ayaa Ingiriisku qaraar uu hordhigayo qaramada midoobey uga codsanayaa in la kordhiyo isagoo kala tashan dawlada martida loo yahay.

Ciidanka qaranka

Ciidanka qaranka ee hadda jooga ayaan welli la kordhin lana qalabeyn waa halka aan la rabin in la gaarsiiyo ciidanka waayo wuxuu la wareegayaa amniga qaranka ee dalka.


Si kastaba ha ahaatee Ingiriiska oo qaska ugu weyn ka wada dalka ayaan rabin in Somaliya lugaheeda isku taagto isagoo dabada ka wata Kiiniya iyo gooni goosadka.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.