X

Dawlada Somaliya oo diidey qorshe Kiiniya ku dheeraysanayso joogitaankeeda

Dawlada Somaliya ayaa diidey qorshe Kiiniya u bandhigtey ururka Afrika iyo qaramada midoobey oo sheegaya in ciidanka Afrikaanka ee jooga dalka ee ay ku jirto loo bedelo mid qaramada midoobey biisho.


”Ayadoo go’aanka dacwada maanta la gaarayo ayaa Kiiniya ka sii fikiraysaa sidii ay ku sii joogi lahayd dalka ayuu yiri Cali Calasow waxase fikirkaa la qaba Axmed Madoobe oo isagu shegay inuu taageersan yahay.

Dawlada Somaliya ayaa qabta in dhamaan ciidanka Afrikaanku baxaan meeshoodana ay buuxiyaan ciidan adag oo dalku yeesho. ”Waxaa qorshuhu yahay in ciidanka Afrikaanka ee hadda jooga la hoos geeyo qaramada midoobay ayuu yiri sarkaal u hadlay milatariga Kiiniya.


Taas oo ka dhigan in ay dalka imaan karaan ciidamo kale oo ajaaniba oo aan ahayn wadamada Afrika ayuu raaciyay sarkaalku. Dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku furtuurtey.


Kiiniya ayaa doorashada ka rajaynaysa inuu ka soo baxo horgale ay ku adeegato laakiin dadka Somaliyeed waa soo jeedaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.