X

Dawlada Somaliya oo ka hadashay warar suuqa ku jira oo sheegaya in si hoose loola heshiiyay Kiiniya dhinaca badda

Muqdisho–Dawlada Somaliya ayaa beenisay warar suuqa ku jira oo lagu soo qorey mareegyo kala koobigareeyay in dawlada Somaliya gaar ahaan Cumar C/rashiid mar labaad khiyaameeyay qaranka isagoo heshiis qarsoodi ah la galay Kiiniya sheegaya in sheekada hoos loo dhameeyo.

Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Caalamiga Ee Cadaaladda ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).

Maalgelinta caalamiga , barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan , waxaanan u taagannahay ,kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay.

Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay ayaa lagu sheegay warbixin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.