X

Dawlada Somaliya oo la ogaadey in ay fududeysay oo kaliya nin Itoobiya cafis weydiisanayay

Dawlada Somaliya ayaa la ogaadey in ay fududeysay oo kaliya nin Itoobiya cafis weydiisanayay. Ninkan oo lagu magacaabo C/xakiin Qalbi Dhagax ayaa ka tirsan ururka ONLF.

Ururkan ONLF ayaan la garanayn hadafka uu u taagan yahay iyadoo uu dhib ku hayo isla dadka uu magacooda sheeganayo dhibna ka gaysta deegaanada Somalida Itoobiya.



Inkastoo dawlada Somaliya ka aamustey waxa aan si dhaba loo ogeyn goobta laga soo qabtey iyo sida loo soo qabtey ayadoo dadka badankiisu ogyihiin war uu faafiyay wasiir ka tirsan maamulka sheegta Galmudug ee Cadaado.

Wargeys ka soo baxa Maraykanka laguna magacaabo Washington Post ayaa iyagu qorey shalay oo Jimce ahayd in dawlada Somaliya fududeysay oo kaliya nin Itoobiya cafis waydiistey.



Maaha markii ugu horeysay ee madax ka tirsan ururka ONLF ay cafis weydiistaan madaxda ismaamulka Somalida Itoobiya lana soo dhaweeyo.

Wargeyska oo soo xiganay masuul ka tirsan wasaarada arimaha dibeda Itoobiya ayay ku sheegeen in C/xakiin Qalbi Dhagax rabey in uu dib ugu noqdo Itoobiya halkaas oo uu haysto dhalasho Itoobiyaana taasina ka dhigan tahay in uu yahay Itoobiyaan.



Si kastaba ha ahaatee waxa wararka noocana ka faaiideystay dad markoodii horeba rabey in dawlada curdinka ah fashilanto oo qaab qabiil loo fashiliyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.