X

Dawlada Somaliya oo loogu baaqay inay erido ergayga qaramada midoobay

SRSG for Somalia Security Council meeting The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2020/121)

Waxa baryahan gobolada dalka wareegaayay ergayga qaramada midoobey u qaabilsan Somaliya Jaymis Iswaan ayadoo ujeedada tahay inay la wareegaan maamulka doorashada. Kooxda madasha ee ku xiran kooxdan sheegata beesha caalamka ayaa iyagu u diyaara in gaalada faraha u geliyaan.


”Nidaamka gaaladu dhigatey ee federaal ayaa siinaya kuwa qasaya dalka daaqad ay ka soo galaan siyaasada dalka, haddana waxayna taageero ka haystaan kooxda madasha musharixiinta oo isleh bal fursad ka hela halkani aad ku soo bixi kartaan ayuu yiri  Cali Calasow.

”Waxaan ugu baaqayaa dawlada Somaliya inayna ka maagin inay eryaan ergayga qaramada midoobay si taasi jawaab kulu ugu noqoto in dawlada kal jeclayn hadaad Afrikaan tahay iyo hadaad Maraykan tahay ayuu yiri Xuseen Warsame oo ka faalaada siyaasada geeska Afrika.


”Kooxda madasha musharixiinta ee hore u fashimey qaarkood sida fadhiid Shariif sh Axmed iyo Xasan Culusow ayaa Muqdisho u sheegtay madaxda qaranka kuna hanjabay inay hore dagaal ui rideen haddana ridayaan, waxa hadalkaas ku farxay guubaabana u yahay kooxda sheegata beesha caalamka ayuu raaciyay Cali Calasow.

Safiirka Maraykanka u jooga Muqdisho ayaa sheegay inuu la kulmay kooxda ay taageerada u hayaan qaarkood oo uu ku jiro fadhiid Shariif Xasan oo ah dadka ay u baahan yihiin inuu dalka wax ka hogaamiyo.


Dawlada Somaliya ayaa qaban karta doorashada ay maamul jufeedyadu ka diideen inay noqoto mid qof iyo coda, waxay doorbideen mid musuqa.

Dawlada uu hogaamiyo madaxwyne Farmaajo ayaa geed dheer ku xirtey kooxdan intii ay xukunka haysay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.