Dawlada Somaliya ayaa si rasmi ah 26 sanno kadib ula soo wareegtay hawada dalka oo lacagta ka soo gasha daaro dhaadheer looga dhistey Nayroobi iyo wadamada Yurub.
Waxa la xiri doonaa xafiiskii Nayroobi ee malaayiinta doolar lagu cuni jirey xilli madaarada dalku ay jirin ayna ahaydna in lacagtaas lagu dhiso madaaro caalami ah. Hawada ayaa laga maamuli doonaa MUQDISHO.
Waxaa arintaan maanta ku dhawaaqay Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Dawlada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad oo la kulmay Madaxda Hay’ada Qaramada Midoowe ee hawada Soomaaliya ka maamusha dalka Kiiniya.
Kulanka Maanta ka dhacay Magaalada Nairobi ee lagu kala saxiixday Hishiiska Taariikhiga ah waxaa sidoo kale dhinac ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS