X

Dawlada Somaliya oo war ka soo saartey is haligii argagixisada shabaab

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Bishaar Abshir Geedi oo Wrabaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ka warbixiyay sida uu ahaa weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Bishaar waxaa uu sheegay in 13 Qof oo ay ku jiraan Labad Qof ee is qarxisay iyo qaar ka mid ah ilaalada Xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho ay ku dhinteen weerarkaasi,waxaana uu sheegay in 5 kale oo ay 2 ka mid ah yihiin Ciidanka NISA uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/Kaamil Macallin Shukri ayaa sheegay in 9 ka mid ah Ilaalada Qaramada Midoobey iyo Ciidanka AMISOM ay ku dhinteen weerarka,kuwaas oo aysan ka mid ahayn dad Soomaaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.