Muqdisho–Dawlada Somaliya ayaa war ka soo saartey xilliga ay baxayaan ciidanka Kiiniya ka jooga Somaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo. Ciidanka ayaa lagu eedeeyay in uu toos ula saftey dhinacyada isku haya gobolada Jubooyinka. Waxa wali jira in argagixisada ay joogto gobolka Jubada dhexe gobolkaas iyo qayb ka mida Gedo oo aan wali xor ahayn.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in qorshaha Ciidamada Kenya ay ku baxayaan uu yahay mid qeyb ka ah heshiis horay uu u saxiixay Ururka Midowga Afrika.
“Ciidanka Kenya markii ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011 waxay wadeen howl gallo ay dalka ku xasilinayaan, 2017 waxaa rajeyneynaa inay dalka ka baxaan, waxaana socda qorshe dib loogu dhisayo ciidamada Soomaaliya, si ay amniga guud ee dalka ula wareegaan”ayuu yiri C/salaan Hadliye oo ku sugan magaalada Mombasa.
Wasiir Hadliye ayaa sheegay in Ciidamada Kenya joogitaankooda Soomaaliya aan qaab gumeysi loo fasiri karin, balse ay yihiin ciidamo ka qeyb qaadana xoreynta Soomaaliya sida uu yiri.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS