Wasiirka arimaha dibedda Somaliya ayaa xiriir ayna la lahayn dal fiqiira oo ku yaala galbeedka Afrika sheegay inay u jareen. Dalka cudurka Iboolaha uu googooyay ayaa lagu soo waramayaa inay amreen taageereyaasha maamulka Somaliland ee wadamada caalamka sida Ingiriiska inuu aqoonsado una fidiyo casuumad maamulka Somaliland.
Gini oo gaajo ah ayaan waxba u soo kordhinayn maamulka Somaliland oo la tacaalaya inuu helo aqoonsi gudaha ah intaanu u boodin shisheeye. Waxa kaliya oo uu soo kordhinayaa ay tahay in taageereyaasha gooni goosadka siiba Ingiriiska ay faafiyaan in Gini aqoonsatey kaliya.
“Waa khiyaali caalamka Afrika iyo Eeshiya ay u sheegto idaacada Ingiriiska ee BBC ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga, ta xaqiiqduna ay tahay in dadka Woqooyigu is aqoonsadaan.
Waxa ii muuqda in Gini lagu awr kacsanayo kuna awr kacsanayaan gaalada jecel inay dalka si khiyaali oo saxaafadeed u sii Kala jaraan waa haday Gini banaanka isa soo dhigto ayuu qabaa Xuseen Warsame.
“Waxaa la soo gaaray waqtigii dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed u dul qaadaneyn in lagu sameeyo xadgudub qaranimadooda iyo wadajirkooda,waxaana xiriirka u jarnay dowladda Gini oo ka mid ah dowladaha Wadamada Afrika ayuu yiri Wasiir Axmed Cawad.
Si kastaba ha ahaatee waxa talaabadan loo arkaa inay ku socoto Kiiniya, Gaana iyo Nayjeeriya oo ah wadamada hore Ingiriisku ugu sheegay inay ictiraafaan maamulka Somaliland.
Waxa dhegaheena ku badan doona ma jiro dawlad ictiraafsan aan ka ahayn dalka yar ee fiqiirka ee Gini ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.
Warbixintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS