X

Dawlada Soomaaliya oo shaacisay bixinta laysanada xidhmooyinka saliida dalka

Dawlada Somaliya ayaa shaacisay bixinta laysanada xidhmooyinka saliida dalka si loo soo saaro saliidaas oo isugu jirta batrool iyo gaas dalku la ciirciirayo. Wasaarada batroolka ayaa sheegtay in bixinta laysanada ay socon doonto ilaa sanadka soo socda.



”Ujeedada ayaa ah in maalgashadeyaashu ka faaiideystaan fursadan ayuu yiri wasiir ku xigeenka batroolka iyo macdanta. Waxa jira shirkado badan oo danaynaya inay soo saaraan batroolka.

”Marka aan helno shirkado waaweyn oo danaynaya ayaan kadib geli doonaa heshiiska soo saarista iyo wixii kale ee heshiisa haddase waa shaacin keliya.


Gobolada xidhmooyinkan saliida ay ku yaalaan ayaa ah gobolada dhexe ee dalka, Koofur albeed iyo Jubba. Dalka ayaa u baahan inuu si degdega u soo saaro saliida lagu maareeyo dhaqaalaha.



Waxa si weyn u diidan soo saarista saliida dalka Wahaabiyada Carabta iyo calooshood u shaqaysta u jooga dalka iyo gaalada ay saaxiibka la yihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.