Roma–Talyaaniga ayaa noqdey khad hadii laga badbaado looga gudbi karayo wadamada kale ee jaarka la ah taas ayaa keentay in wadamada fiqiirka ah ee Afrika iyo kuwa ay ka jirto maamul xumadu ay dhalintoodii safan yihiin Liibiya halkaas oo kuwa ka ganacsada dadku ay ku dhufteen boqolaal kun oo doolar maalintiiba.
Ka ganacsiga tahriibayaasha ayaa noqdey mid aad looga taajirey, waxana hadda khadkan soo galay doomo casri ah oo ku wareejiya doomo xun marka loo dhowyahay badda Talyaaniga.
Talyaaniga oo dadkiisiiba bilaa shaqo yihiin ayaa isagu faraha ka qaaday dadka ka imanaya Afrika oo sidii shinida u soo galaya Talyaaniga.
Dhacdo ka dhacday Talyaaniga ayaa sheegaya in raga tahriibka ka ganacsada laftooda oo dadka ciqaabi jiray iyo kuwo gabdhaha kufsan jiray ay iyaguna soo raacaan kuwii ay ciqaabi jireen ama kufsan jireen..marka Talyaaniga laysla tago halkaasi lagu qabto laguna markhaati furo.
Dagaal diimeed ku dhexmaray doon dhexdeeda tahriibayaal ka yimi wadamada musuqa badan ee Nayjeeriya, Gambiya, iyo Ivory Coast ayaa keenay dhimashada ilaa 20 qof oo laga tuuray doonta dusheeda.. Booliiska Talyaaniga ayaa sheegay in ay qabteen dhalinyar muslima oo ka tuurey doonta dhalinyar aan muslim ahayn.
Isku soo duboo khadka Talyaaniga ayaa noqdey goobta ugu xun aduunka ee qof maro..waxana cad in Talyaanigu faro ka qaadin dadka imanaya ee kaliya ay is dhaafiyaan..taas oo keentay in wadamada Jarmalka, Sweden ay helaan qoxooti badan oo aan laga dhigin faro.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS