Dawlada Yaman ayaa markale gantaal ku garaacday caasimada Sucuudiga. Wararka ka imaanaya caasimada Sucuudiga ee Riyaad ayaa sheegaya in la maqlay qarax weyn.
Dadka badankiisa ayaa muuqaalka gantaalka iskula wadaagey baraha bulshada. Gantaalka ayaa Sucuudigu sheegay inay soo rideen intaanu khasaare gaarsiin.
Yaman ayaa sheegtay inay gantaalka ku soo tuurtey aqalada waaweyn ama qasriga Yamama ee Sucuudiyiintu ku raaxaystaan xaruna u ah boqorka dalkaasi.
Khuburada ayaa qabta in Yaman si xun u garaaci doonto Sucuudiga haddii ay biiriyaan gantaalada.
Waa markii afraad ee Yaman garaacdo Sucuudiga qaasatan meelaha ay fadhiyaan diyaaradaha uu Maraykanku siiyay ee masaakiinta ku xasuuqa Yaman.
Ilaa hadda lama soo sheegin in khasaare ka dhashay gantaalkan. Sucuudiga ayaa dagaal diimeed u gaara kula jira Yaman wuxuuna gacanweyn ka helayaa Yuhuuda iyo Maraykanka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS