X

Dawlada Yaman oo markii ugu horeysay gantaalo ku garaacday Salafiyiinta Sucuudiga barakiciyay kumanaan Yamaniyiin ah

100723-N-9983H-006 PACIFIC OCEAN (July 23, 2010) An Evolved Sea Sparrow missile is launched from the aircraft carrier USS Carl Vinson (CVN 70). Carl Vinson is underway conducting operations off the coast of Southern California. (U.S. Navy photo by Mass Communication Specialist Seaman Matthew J. Haran/Released)

Sanca–Dawlada Yaman iyo xoogaga madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdulle Saalax ayaa gantaalo ku gaaacay urur diimeedka Sucuudiga ka taliya ee diyaaradaha ku buburiyay dalka fiqiirka ee Yaman si uu  Yaman uga fushado danihiisa Salafiga ah ee iyaga u gaarka ah. Dawlada Yaman ayaa dishay ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan Salafiga Sucuudiga xadka uu la leeyahay Yaman.

Salafiyiinta Sucuudiga ayaa sheegay in ay ku soo ridaan gantaalo kaga yimi ciidanka Yaman hub ay ka iibsadeen Maraykanka oo loo yaqaan Patriotic Missile ama gantaalaha Patriotic oo ah gantaalo lagula dagaalamo diyaaradaha iyo gantaalaha kalaba.

Yaman ayaan hadda jirin wax ay gacmaheeda ula laabato iyadoo urur diimeedka Sucuudigu ku xalaashaday dhiiga caruurta iyo haweenka dalkooda kaas oo keenay qaxa kumanaan reer Yamani ah.

Urur diimeedka Sucuudiga ka taliya ayaa bishii hore gantaalo ku dilay qoxooti Somali ah oo ka cararay goob amaan daro ka dhacday ilaa hadana lama waydiin magta dadkaas ay dileen.

Muslimiin badan ayaa isku khalda xaramka iyo urur diimeedka ka taliya Sucuudiga oo caqiidooyinka ay aaminsan yihiin oo ka mida hal dhinac ka fahamka diinta Islaamka ku faafiya aduunka. Waxayna taageero siiyaan argagixisooyinka caalamka sida shabaab iyo Daacish ama ISIL.

Si kastaba ha ahaatee dawlada Yaman oo reer galbeedka ku xumaynaya IIraan ugu yeeraan mucaaradka ayaa hadda si toosa u weeraraysa Salafiga Sucuudiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.