X

Dawlada Yaman oo wacad ku martey inay garaacdo Abu-dabay

Dawlada Yaman ee ay hogaanka u hayaan Xuutiyiinta iyo hadhaagii dawladii hore ee Cali Cabdalle Saalax ayaa wacad ku martey inay garaacdo caasimada dawlada yar ee kibirka badan ee Imaaraadka ee wahaabiyada ah.

Hanjabaadan ayaa timi kadib weerarkii lagu diirsaday ee ciidanka Yaman ku burburiyeen warshadihii shidaalka ee Sucuudiga.


Wahaabiyada Sucuudiga ee dunida Muslimka ah ku faafisa caqiidadooda qaldan ayaa cabaadkii ka dhamaadey markii hubkii balaayiinta doolar looga cuney ay shaqayn waayeen.

Shir jaraaid oo Maraykanku u habeeyay shalay ayay sidii caadiga ahayd farta ku fiiqeen Iiraan oo awooda in gebi ahaanba dhulka ku tirtirto warshadaha saliida haday faraha la galaan.


Ujeedada ay Iiraan farta ugu fiiqayaan ayaa ah in la qariyo fashilka ku yimi hubkii Maraykanka ay ka iibsatey oo shaqayn waayay. Maaha markii ugu horeysay ee hubka Maraykanku shaqayn waayo waxana tusaale u ah weerarada ciidanka Yaman ka gaysteen garoonada ku yaala Koofurta Sucuudiga.


Waxa noo xigta inaan garaacno Abu-dabay ee imikaba daaraha muraayadaha leh difaaco. Waana dhab waan garaaci doonaa haddii aad faraha kala bixi hubeynta iyo doolarka ay ku burburinayso Yaman ayaa lagu yiri war saxaafadeed.

Ciidanka Yaman ee difaaca Ayaan been ka sheegin warka ay sheegaan. Sawirka hoose waa Abu-dabay

Sawirka hoose waa sida diyaradaha Imaaraadka iyo Sucuudiga dhulka ula simeen dhismeyaasha masaakiinta

Warbixintii Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.