Dawlada yar ee Siishalis laakiin ku nool kaluunka dalkeena ayaa wafdi soo diratey.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles ahna Shirguddoonka kooxda xiriirka ee qaabilsan arrimaha burcad badeedda Xeebaha Soomaaliya H.E. Ambassador Barry Faure ayaa soo dhoweyn iyo casuumaad gaar ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi.
Kulan ay yeesheen Labada Wasiiru dowle ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga, la dagaalanka burcad badeedda iyo maxaabiista Soomaalida ee falalkaasi ugu xiran Jasiiradda Seychelles.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS