X

Dawladii akhwaanka ee Erdogan oo la afganbiyay iyo askar hadashay

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in askar aan la garanayn ay la wareegeen idaacada dalkaasi iyo telefishanka sheegayna in ay la wareegeen dalkoo dhan.

Madaxweyne Erdogan ayaa la sheegayaa in uu bad qabo waxa kale oo la sheegayaa in taliyihii ciidamada isna la qabtey.

Waxaan wali kala cadayn cida ay yihiin askartani iyadoo wadooyinka Istambul lagu arkayo taangiyo iyo diyaarado qumaati hoose ku socda.

Askarta qabsatey idaacada ayaa sheegay in dastuur cusub dalka loo samaun doono halka dhinaca Erdogan oo isna hadlay uu sheegay in la ogolaan karin laba dawladood oo wada socda.

Raiisal wasaaraha oo marhore hadlay ayaa cambaareeyay waxa dhacay lamase oga halka hadda uu ku dambeeyay.

Turkiga ayaa muddo hore ka baxay inqilaabyada waxase muuqata in midkan muddo laga soo shaqaynayay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.