X

Dawlado si toosa ugu jira siyaasada Somaliya oo ka xanaaqay guulo dawladu gaartey

Daraad ayay ahayd markii dawladu gaartey guushii ugu horeysay ee dhinaca milatariga markey jebisay maleeshiyo Kiiniya soo hubeysay oo ay ugu talogashay inay ku kala fogeyso Somalida ayaa waxa ka cadhoodey wadamo dhowra.


Ugu horeyn Maraykanka ayaa muujiyay inuu ka walaacsan yahay, wuxuuna soo saaray qoraal murugo leh dhinacna yasida oo uu ku tilmaamey ama u qornaa dhinacyada isku haya. “Wuxuu gebi ahaanba ninka Jabaaniiska ah Iska indhatirey dawlada dhexe kuna tilmaamey koox ka mida kooxaha dagaalka wada asagoo aan soo hadal qaadin Kiiniya ayuu yiri Cali Calasow.


Waxa iyagana walaac la mida ka muujiyay amarka iyo kala dambeynta dawladu ku soo rogeyso Jubooyinka dawlada Ingiriiska oo nin magaciisa qariyay kana mida safaarada ku dhuumanaysa Xalane sheegay in ciidankii argagixisada loo adeegsaday weerarka.

Ingiriiska oo laba wejiile ah wuxuu si toosa faraha ugula jiraa hanaanka dawladnimo ee dalka asagoo Raba inuu dhinaciisa ka helo heshiisyada saliida halka dhinaca kale uu garabsiiyo siiyo gooni goosatada. Wuxuu ciidan gaara u tababaraa gooni goosadka iyo weliba gobolka Baydhabo inkastoo Baydhabo uu ku hungoobey


Ingiriiska ayaa sheegay inay diyaariyeen in la sii kordhiyo cunaqabataynta hubka oo hadda u arkaan in ay tahay sida keliya ee lagu joojin Karo dawlad xoogleh oo dalka ka dhalata. Laakiin Somaliya waa ka gudbi kartaa hub ay soo dejisato maadaama hubka yar ee gaaladu ogoshahay ku baacsan Karto argagixisada iyo saaxiibadood.


Cadhooyinkan is biirsaday ayaa imaanaya ayadoo xukunka dawlada hadda ku faafay boqolkiiba 70 dhulka jamhuuriyada inta kalana ay joogaan argagixisada iyo taageereyaasheeda. Waxase hubaala in aan loo joojin ee dawladu ku qasban tahay in amarka iyo Kala dambeynta ay soo celiyo.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.