Dayactir lagu bilaabey laamigii burburku soo gaaray ee Zoobe. Guddoomiye Thaabit ayaa Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen, iyo sida ay uga dhiidhyeen dadkii masaakiinta ahaa ee la laayay.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay u taagan yihiin waajibka saaran oo ay ka mid yihiin midnimada ummadda Soomaaliyeed, midnimada dhalinyarada iyo in meel looga soo wada jeesto Shabaab.
Sidoo kale Thaabit ayaa sheegay in shaqada la xiriirta dib u dayactirka wadadan ay ku soo gaba gabeyn doonaan maalmo koooban, maadaama aad loo isticmaalo, isaga oo sidoo kale tilmaamay Isgoyska Zoobe wixii hada ka dambeeyana loogu yeeri doono 14-ka October, loona sameyn doono calaamado lagu soo xusuusto.
Veronique Lorenzo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo iyadana halkaasi ka jeedisay hadal kooban ayaa sheegtay marka hore in halkan ay u timid in muragada ay la qeyb sato dadkii Soomaaliyeed ee lagu qarxiyayIsgoyska Zoobe.
Laamigan ayaa argagixisadu ku xasuuqdey dadkena oo gaaraya 300 oo qof.
ARAABINEWS