Shaaly ayay ahayd markii madaxweynaha Masar uu sheegay inuu ciidankiisa u diri doono Liibiya haddii Erduqaan soo galo magaalo xeebeedka Sirte. Ciidamo uu dabada ka riixayo Dayib Erduqaan ayaa looga soo baxay caasimada iyo deegaanada u dhow.
Dayib Erduqaan oo ka jawaabay hadalka madaxweynaha Masar ayaa sheegay inay sharci daro tahay waxa uu wado madaxweynaha Masar mase sheegin inuu dagaal uga soo horjeesan doono.
Dayib Erduqaan ayaa Liibiyiinta daadiyay dhiigooda isagoo marmarsiiyo uga dhiganaya inuu heshiis la galay koox yar oo akhwaan musimiina oo muddo sanad iyo badha ku jirey dhowr xaafadood oo caasimada dalkaasi ah.
Si kastaba ha ahaatee Dayib Erduqaan ayaa ku jabi doona haddii uu qaado talaabo ku wajahan ku soo durkida inta uu khadka cagaaran saaray madaxweyne Siisi.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS