X

Dayib Erduqaan oo madaxweynaha Ruushka difaacay kan Maraykankana weeraray

Madaxweynaha Turkiga ayaa weeraray Joo Baydan oo Buutin ku tilmaamay nin dilaa ah. Dayib Erduqaan ayaa hadalka ka soo yeeray Joo Baydan ku tilmaamay mid aan la aqbali karin kuna haboonayn  madaxweyne fadhiya.


”Waxay ila tahay Buutin wuxuu sameeyay wixii lagama maarmaanka ah isagoo ka bixiyay jawaab xariifnimo iyo khidadeysan ayuu raaciyay Dayib Erduqaan.

Joo Baydan ayaa xilligii uu ku jirey ololaha doorashada laga soo xigtey inuu jecelyahay in xukunka laga tuuro Dayib Erduqaan oo askartu rido inkaastoo markii dambe ka noqdey oo yiri si doorasho.


Markii loo doortey madaxtinimada dalka muuqaalka ka soo baxayay Joo baydan ayaa ah mid miisaaman inkastoo uuna ku celin xukun ka tuurkii uu ku hadlay.

”Madaxweyne soo baxaya oo isticmaalaya kalmado noocaasa weliba madaxwyne sida Ruushka oo kale ah maaha waxaan liqi karno ayuu yiri Dayib  Erduqaan oo u muuqda inuu aargoosanayo.


Lacagta Liirada ee Turkiga ayaa baryahan aad u xooganayd, waxayse liicdaa marka Maraykanku saaro cunaqabatayn. Waase la sugaa jawaabta Joo Baydan.

Xiriirka Ruushka iyo Turkiga ayaa kolna fiican kolna xun waxayna ku xidhan yahay sida uu yahay niyada Dayivb Erduqaan oo ciidamo u joogaan Siiriya iyo Liibiya.

Rashiid Ceelaanyop

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.