X

Deegaanka uma dhalan dadka Dirta ah ee shirka u soo xirmey: Cagjar

Madaxa dawlada Somali galbeed Mustafa Cagjar ayaa sheegay inayna deegaanka u dhalan dadka ka soo jeeda qowmiyada Dirta ah ee ku shirkoodu ku soo xirmey Addis ababa. Mustafe Cagjar ayaa sheegay inuu arintaasna kala hadli doono dawlada dhexe ee Itoobiya.


Dhinaca kale shirkii qowmiyada Direed ee ka socday Addis ababa ayaa la soo xirey iyadoo qodobada ka soo baxay ay ahaayeen in nabad lagu xaliyo dhamaan khilaafaadka u dhexeeya beesha dhexdeeda iyo midka beelaha kale ee ay ood wadaagta wada yihiin.

Waxa kale oo loo balamay in shirka xigana la qaban doono ayadoo la soo sheegi doono goobta lagu qaban doono.


Madaxa dawlad deegaanka Mustafe Cagjar ayaa dhankiisa soo jeediyay in shir Somalidu wada leedahay lagu qabto gudaha dawlad deegaanka siiba magaalada Godey, inkastoo aanu sheegin inuu geli doono siduu shirkaas u qabanqaabin lahaa iyo waxa loo hadli doono toona, xilli uu diidey midka Direed.


Hadalka ka soo baxay Mustafe Cagjar ayaa abuureyn jawi lagu wadahadlo si cabashooyinka ka jira dawlad deegaanka loo dhameeyo oo qowmiyada Dir ka aradan tahay talada dalka.

Waxase la sugaa inuu ka dhabeeyo oo soo aruuriyo siyaasiinta Direed ee deegaanka iyo kuwa qurbaha, shirkaasna qabto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.