Warka aan ka helayno magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool soona ayaa sheegay in deegaano badan oo kamida gobolada sool iyo Cayn isla markaana ay ka jirtay abaar baahsan oo xalay helay roob mahiigaana oo ay aad ugu qabowsadeen dadkii deegaanadaasi ee ay abaaruhu saameeyeen.
Magaalada Buuhoodle oo ay haysay abaar ba’ani isla markaana lee’day nafaha xoolo badan uu xalay roob lagu qabowsaday ka da’ay.
Waxaana deegaanada uu xalay roobku helay kamida Magaalooyinka Ceegaag, Goljano, iyo Horufadhi kuwaasi oo dhamaantood uu xalay roobku maasheeyey isla markaan bulshada degaanadaasi ku qabowsadeen.
Magaalooyinka kale ee iyaguna dhanka hawd ku beegan ayaa wax kamida Sool Joogto, Hagoogane, iyo Maygaagle Ilaa Degmada Xadhadhan iyo Dhulka Miyiga ah ayaa Guud ahaan Roobku xalay Siwayn u Helay iyada oo dadkii xoolihii iyo dhulkiiba ku qabowsadeen.
Dhanka kalena Magaalada Widh Widh , Banyaal iyo Deegaano Dhinaca Bariga Ka Xiga Buuhoodle ayaa Roobku xalay siwayn Deegaanadaasi u Helay.
Si kasteba ha ahaatee gobolada Sool iyo Cayn ayaa iyagu ah gobolo ay abartu aad u saamaysay isla markaana ay galaafatay nafaha xolo badan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS