Madaxweynaha Somaliya oo la hadlayay beesha caalamka kuwooda garab taagan Somaliya oo dhan ayaa sheegay in dalku galay marxalad cusub ayna tahay in taasi lagu xisaabtamo deequhuna la jaanqaadaan xilliga cusub.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda jiraan Koofur galbeed, Galmudug, Jubba halka hore deeqaha loogu qaybsan jiray Koofur, bartamaha, Puntland iyo Somaliland.
Xasan Sheekh ayaad moodaa in uu Galmudug isha Ku hayo maadaama uuna magacaabin Khaatumo iyo Awdalstate oo hadda aan liistada ugu jirin.
Warka madaxweynaha iyaa imanaya xilli uu sheegay in ay hadda Ku guda jiraan maamil u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo isagu Ku sheegay kuwii ugu dambeeyay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM