X

Deg deg: argagixisada oo gaadhi ku qarxiyay Muqdisho iyo wararka ku xeeran

Argagixisada gaadhi ku qarxiyay Muqdisho, qaraxa ayaa ahaa mid gaari lagu xiray kaasi oo ka dhacay Meel Ku dhaw Isgoyska Jubba Ee Degmada Shibis waxaana lasoo sheegayaa in waxyeelo uu gaariga soo gaaray.

Faah faahinada hordhaca ah ayaa la sheegay in Seddex qof oo nuuca Raaxada gaari ah ay wateen uu qarxay islamarkaana xilliga uu gaariga qaraxa sameenayey uu taagnaa Kaalin uu shidaal kaga shubanayey.

Hal qof ayaa dhintay iyadoo labo kale ay dhaawacyo qaraxaasi kasoo gaareen waxaana weli la ogeyn seddexda qof ee la qarxiyey iyo waxay ahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga lagu soo xiray miinada leh Megnada, oo baabuurta looga dhejiyo qeybta hoose, waxaana uu qarxay xilli uu shidaal ka qaadanayay agagaarka Isgoyska Jubba.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.