X

Deg deg: argagixiso askari diley oo la dhaawacay

Argagixiso askari diley oo la dhaawacay. Argagixisada xalaashatey dhiiga muslimiinta ayaa askari maqaaxi fadhiyay toogtey waxase nasiib wanaag la dhaawacay isla gacan ku dhiiglihii, waxase la sheegay inuu baxsadey asagoo dhiigleh.


Waxa lagu dabajiraa argagixiskan oo la filaayo inuu ka dambeeyo xasuuqa ku dhawaad 30 shacaba oo maalin cad uu xasuuqay, ayagoo weliba duubta xasuuqa.

Waa markii ugu horeysay muddo laba bilooda in argagixisada maalinta cad dilaya shacabka la dhaawaco. Waxa lagu dabajirey in la helo halka ay iska soo abaabulaan.

Ilaa bishi Ramadaan wixii ka dambeeyay waxa Muqdisho argagixisadu maalin cad ku dishey ku dhawaad 70 ruux oo Muslimiina, ayadoo lagu sugo masaajida iyo goobaha maqaaxiyaha.


”Dhaawaca argagixiskaan ayaa la filaynaa inay soo afjarto ama la helo xogta argagixisadan abaabulan ee bastooladaha ku dileysa Muslimiinta ayuu yiri sarkaal u hadley amniga.


Askriga shahiidey  ayaa la xaqiijay in magaciisu yahay Cabdi Muuse. Goobta uu dilku ka dhacay argagixisadana lagu dhaawacay waa isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.