Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa sheegay in ajaanib dagaal kula jirto dalkiisa ayan la socdaan falaagada TPLF. ”Waxaan idiin sheegayaa inay ajaanib la socoto TPLF ayna ka qayb qaateen dagaalka aaga Axmaarada ayuu yiri Cabi Axmed.
”Awal waan ogeyn haddase cadaymo cad ayaan haysanaa ayuu raaciyay Cabi Axmed oo la hadlaayay saxaafada dawlada. Hadalka raiisal wasaaraha ayaa imaanaya asagoo dadka uga digey inay ka aargoostaan shacabka Tigreega ee ku nool deegaanada Oromada iyo Axmaarada.
”Waa inaan soo qabanaa kuwa iangu dhexjira ee cadowga sirta la wadaagaya laakiin shacabka Tigreega aynaan u dilin si aargoosi ah ayuu yiri Cali Axmed.
Gobolada Oromada iyo Axmaarada ayaa dadkooda u sheegay inay qoryaha qaataan ayna difaacdaan magaaladooda. Tigreega ayaa hadda bilaabay inuu beegsado dadka shacabka ah iyo gaadmada magaalooyin ayna joogin wax ciidana.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS