War hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in calanka madow ee argagixisada shabaab la baxday uu ka taagan yahay Marka. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadii haslkaa joogey ee ka socdey midowga Afrika iyo kuwii Somalida ahaa ay ka baxeen. Lama garanayo sababta keentay in ay Marka u gacan geliyaan dhiigmiiratada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Afrika ay rabaan in ay sii joogaan Somaliya waligoodna ka shaqaystaan talaabadana ay tahay mid lagu tusinayo aduunka in la’aantood dalku u gacan gelayo argagixisada maadaama uuna jirin ciidan Somali ah oo ilfaha u qaadaya argagixisada.
Dadka deegaanka ayaa goor hore guryahooda ku xarooday, waxaana jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo ka jira magaalada, tan iyo markii xaalad cabsi ah ay gashay.
Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku lahaa deegaanka Ceel-Jaalle ayaa xalay ilaa saakay ka baxayay saldhigaas, waxaana ay u ruuqaansadeen dhanka deegaanka Shalanbood oo ilaa 15-KM u jira Marka.
Sidoo kale Ciidamada dowladda iyo maamulkii deegaanka ayaa iyana la sheegay inay ka baxeen magaalada, waxaana jirin ilaa iyo hada war ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kan Gobolka.
Argagixisada ayaa la sheegayaa in ay dulwareegayaan magaalada iyagoo wajiga duuban.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS