Waxa goor dhawayd la xaqiijiyay dhimashada safiirkii Ruushka u fadhiyay dalkaasi Turkiga oo ururka Erdogan ee akhwaan Muslimiin ay dagaal ku jabeen looga saaray magaalada Xalab ee galbeedka dalkaasi.
Tuhunka jira ayaa ah in dawlada akhwaanka ee uu hogaamiyo Erdogan ay ku lug leedahay dilka safiirka oo ay ahayd in ay si xooga u ilaaliyaan maadaama uu yahay marti dalkale oo saaxiibo ah u matalaya.
Lama garan karo waxa Ruushku ka odhan karo arintan foosha xun. Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibedda ee Ruushka ayaa xaqiijay dhimashada safiirka oo markii hore la sheegay in uu dhaawac yahay.
Ruushka ayaa Siiriya ka badbnaadiyay in ay ku biirto wadamada burburay ee Ciraaq, Afganistan, Liibiya iyo Somaliya oo dhamaantood ay hadda gacantooda ku jiraan ururada xagjirka ah oo intooda badan ay kala taageeraan Turkiga, Sucuudiga iyo Yuhuuda iyo Maraykanka.
Ninka diley safiirka ayaa la xaqiijay in uu ahaa nin booliisa oo xagjira oo dhawaan ka qalanjabiyay ciidankla booliiska oo Turki ah ee aan ahayn Siiriyaan.
Safiirka ayaa xilliga dilka loo gaystey ka hadlayay ganacsiga Ruushku ka gaysan karo Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga ayaa la hadlay dhigiisa Ruushka una sheegay sida wax u dhaceen. Ruushka ayaa iyaguna sheegay in dilka safiirku wax u dhimayn xiriirka labada dal.
Sawirka hoose waa safiirka Ruushka ee la diley
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS