X

Deg deg: Erdogan oo ku guulaystay doorashada madaxweyne ee dalkaasi

Erdogan ayaa ku guulaystay doorashada madaxweyne ee dalkaasi ka dhacdey maanta ayadoo dad aad u farabadan u soo baxeen inay ritaan codkooga. Waxa hadda la tiriyay boqolkiiba 98 codadkii la ritey halkaas oo Erdogan garaacay xisbiyada ka soo horjeeday.



Doorashada Erdogan shanta sano ee soo socota ayaa ka dhigan inuu dalka ka talin doonto hal madaxweyne  ayadoo meesha laga saaray jagadii raiisal wasaaraha ee waqti lumiska ahayd.

Erdogan oo ka soo jeeda urur diimeedka akhwaan Muslimiinta ayaa sheegay in guushiisu tahay guul dadka u soo hoyatey.



Wadamada Wahaabiyada iyo qaar ka mida reer galbeedka ayaa lacag badan siiyay xisbiyada ka soo horjeeda Erdogan si ay meesha uga saaraan laakiin dadka Turkiga oo jecel awgeed ayaa si aada ugu soo baxay inay dib u doortaan.



Madaxda caalamka ee sida aadka ugu dhow Erdogan ayaa u hambalyeeyay guusha Erdogan uu gaaray.

Siyaasiyiinta Turkiga ayaa qaba in Turkiga galayo marxalad adag maadaama jagadii raiisal wasaaraha ayna jirin oo hadda Erdogan waxkasta maamulayo ayagoo ka baqaya in dalku galo go’doon.

Waxa weli la sugayaa natiijada barlamaanka oo hadda la sheegay in xisbiga Erdogan lumiyay aqlabiyada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.