X

Deg deg: Erduqaan oo war xasaasiya ka soo saaray sidii loo xasuuqey Jamaal Khasowqi

Erduqaan ayaa sheegay inuu faafiyay sidii loo xasuuqey Jamaal Khasooqi. Madaxweynaha Turkiga oo la hadlaayay saxaafada ayaa markii ugu horeysay taabtey dhawaq laga duubey sidii loo xasuuqey Jamaal Khasooqi.


Sucuudiga ayaan marnaba rabin in arintan dibedda u soo baxdey, inkastoo dhegeysiga maqalkaan ka siiyay inay runta iska sheegaan.

Erduqaan ayaa sheegay in uu la wadaagey xasuuqa Jamaal Khasooqi sirdoonka Maraykanka, Ingiriiska Faransiiska, Jarmalka iyo xasuuqeyaasha Sucuudiga ilaa hadase kamay hadlin in ay dhegeysteen.


Waxana muuqata inay u raadinayaan qool ay uga saaraan kuna daboolaan arintan. Erduqaan ayaa sidoo kale cambaareeyay Sucuudiga sheegayna inay rabeen inay musuqaan qareenka wada xasuuqa Jamaal ee Turkiga ah.

” Waxay nagu yiraaheen qareenkeenu ha yimaado Sucuudiga, waan yaabney waayo waa Turkiga halka dilku ka dhacay muxuu qareenka Istanbuul ka doonaa Sucuudiga ayuu yiri Erduqaan.


”Wuxuu markale dalbadey in laga jawaabo su’aalaha dulyaala xasuuqa Jamaal Khasooqi. Way ogyihiin Sucuudigu cida dishey iyo cida amarka bixisay.

Sucuudiga ayaa bixiyay balaayiin doolar si uu u aamusiiyo reer galbeedka oo lagu bartey laba wajiileyn kana aamusa cida jeebka u buuxisa.


Wahaabiyiinta Sucuudiga maaha markii ugu horeysay ee xasuuqaan cid kasta oo hadasha, arinta Jamaal Khasooqi iyo xasuuqa ay ka wadaan Yaman ayaa ah laba arimood oo is wata.

Ha noo sheegeen halka meydku yaalo si eheladu si sharafleh u aastaan ayuu yiri Erduqaan oo markii ugu horeysay si adag uga hadley xasuuqaan dareensanna in aanu helayn natiijo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.