Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya diyaaradii Masaarida ee saaka la waayay ayaa hadda la xaqiijiyay in ay ku dhacday badda u dhaxaysa Masar iyo Giriiga waliba goobta ku aadan xadka Masaarida ee kala wareegista duulista hawada kuna aadan jasiirada Kaba.
Wasiir u hadlay Giriiga ayaa sheegay in diyaaradu si lama filaana isku rogtey xawaare xawli ahna ugu dhacday BADDA, wuxuuna intaa ku daray in aanu jirin wax ka soo yeeray bayladka diyaarada oo sheegaya in ay wax khaldan yihiin.
Diyaaradan hadda dhacday ayaa la ogaadey in ay ka soo duushey Asmara, kadibna Tunis kadibna Qaahira hadana u duushey Paris oo hadda ay ahayd soo noqodkeedii u dambeeyay. Waxa farta ku godan argagixisada caalamiga ah oo ku raaxaysta dhiiga dadka bani aadamka.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in ay sugi doonaan waxa ka soo baxa baaritaanka kadibna ay ogaan doonaan sida wax u dhaceen.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS