X

Deg deg: Haweenay gaari ku jiirey Muqdisho iyo goobta shilku ka dhacay

Wararka aan ka helayno Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Almukarama oo ah hawlbowlaha Muqdisho ayaa sheegaya in Haweenay gaari ku jiirey.

Gaarigan oo caasi ah oo uu waday wiil dhalinyaro ah gaar ahaan kasoo horjeedka Hoteel Mubaarak ee Magaalada Muqdisho ayaa gaariga jiirsiiyay haweenayda.



Gaariga ayaa ku socday si xowli ah, waxaana la sheegay in uu xoog ku jiirsiiyay qof dumar ah oo waayeel ah oo wadada goynaysay.



Haweeyndii ayaa halkaasi ku dhimatay, waxaana ciidamada Ammaanka oo halkaasi soo gaaray ay gacanta ku dhigeen darawalkii waday gaarigii falkaasi geystay.

Inta badan Gaarida Shilalka ka geysta Muqdisho ayaa waxaa wadda dhalinyaro da’yar oo qaarkood aan aqoon badan u laheyn wadida Gawaarida.



Lama garan karo in gaarigan at lahaayeen argagixisadu.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.