X

Deg deg: Haweenay ilmo yar ka xaday isbitaal oo gacanta lagu dhigey

Waxa lagu guulaystey in gacanta lagu soo dhigo haweenay ilmo yar oo saacado kaliya jira ka xaday hooyadii dhashay oo si rafaada ku dhashay. Hooyada ilmaha dhashay ayaa hurudey xilliga naagtaan ka xaday ilmaha yar oo wiil ahaa. Qaylo dheer iyo raadin xoogan kadib waxa la helay naagtaas iyo ilmihii yaraa.


Khamiistii ina soo dhaaftey ayay ahayd markii qaracankan ka dhacay isbitaalka Sos ee magaalada Muqdisho. Dadka ag hurday hooyada rafaadka ku dhashay ee loogu daray in ilmaheeda la xado ayaa iyagu sheegay in naagta ilmaha xaday ay u qabeen inay la socoto reerka ilmaha laga xaday.


Naagtaan ayaa lagu soo qabtey xaafada Hodan kadib markii dhamaan dadka xaafadaha u dhow iska kaashadeen soo raadinta ilmahaa yar. Waxa hadda ilmahaa yar uu la midoobey hooyadii dhashay oo lagu magacaabo Naciimo.

“Booliiska ayaa sheegay inay bilaabeen su’aalaha la xiriira waxa ku kalifay naagtaan inay xado ilmo yar oo rafaad ay ku dhashay hooyadii lahayd kadibna la wadaagi doonaan xogtaas qoyska laga xaday ilmaha iyo haday tahayba wax hadda bilowdey.


Dhacdadan ayaa ahayd tii ugu murugo badneyd ugubna ku ah ummada Somalida.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.