Waxa la xaqiijiyay in Imaaraadku dib ugu yeedheen safiirkoodii ka fadhiyay Somaliya ayadoo arintu la xiriirto saldhiga Carabtu ka rabto in ay dhistaan Berbera si ay Yaman u weeraraan.
Warbixin ka soo baxdey Imaaraadka ayaa cadaysay imaatinka safiir Maxamed Al Xamduuni magaalada Abudabay ee caasimada iskutaga Imaaraadka Carabta.
Warbixin ay qortey jariirada Riyadh Post ayaa laga soo xigtey masuul ka tirsan waftiga madaxweyne Farmaajo ee tagey Sucuudiga in ay ka dhaadhiciyaan Imaaraadka in uuna saldhig ka dhigan Berbera.
Bishii horeayay ahayd markii qareenka ugu weyn Somaliya uu sheegay in uu jiro heshiis gacasn ku rimis ah oo aan dan ugu jirin shacabka iyo dawlada Somaliya.
Imaaradka ayaa ka cadhoodey markii DEKEDDA iyo madaarka Muqdisho lagu wareejay Turkiga, waxayna ku kaliftey in at gooni goosadka Woqooyiga heshiis dekedeed la saxiixdaan taas oo dawlada Somaliyeed ee Muqdisho diidey una sheegtay in Woqooyiga ka mid yahay dalka.
Xilligii doorashada madaxweynaha Somaliya ayaa Imaaraadku lacag badan ku bixiyay sidii fadhiid Cumar C/rashiid u soo bixi lahaa, lana ogyahay in uu saxiixay saldhiga Berbera.
Way fashilmeen waxana soo baxay Farmaajo oo aan cidna fileyn. Imaaraadka ayaa qaba in loo baahan yahay safiir cusub si ay ula qabsadaan dawlada Cusub ee Somaliya oo diidey saldhiga Berbera.
Lama garan karo halka uu ka bilaabi doono siyaasadiisa cusub xilli dalkaay tartamayaan Turkiga iyo Carabtu halka Afrikadu rabaan in dawlada Farmaajo fashilanto si ay dalka u sii joogaan.
Ayagoo maanta wada shireen madaxweynaha Yugandha iyo raiisal wasaaraha Itobiya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS