X

Deg-deg: Imaaraadka oo soo dhexgalay haysashada kursiga Fahad Yaasiin

FAHAD YAASIIN (ARAABINEWS.COM)

Waxa beri oo Arbaca ah la filayaa in maxkamada sare ay go’aan ka gaarto kursiga ay haystaan kooxda Xalane ee Fahad Yaasiin. Kursigan sida xalaasha ah uu ugu guulaystey ayaa la hor istaagay ayadoo la kaashanayo Rooble Baahane.


Haddaba maxkamada beri ayaa la filayaa inayna go’aan ka soo saarin leh kursiga hala fasaxo sida aan xogta ku helayno waxana hadda soo farogeliyay Imaaraadka.


”Waxa la bedelay go’aanka maxkamada oo ah inay kursiga fasaxdo maadaama guddiga khilaafaadku sheegeen inayna waxba u haysan laakiin waxa caawa la xaqiijiyay in Imaaraadku bixiyay lacago saaida si aan loo fasaxin ayuu yiri Cali Calasow oo xogtan helay.

Imaaraadka ayaa bixinaysa lacagta la siinayo kooxda maxkamada ayadoo ay la socoto hanjabaad ah inay naftooda u baqaan ayay leedahay xogtu. Maxkamada ayaa markaasi dib ugu celinaysa kiiska guddi ku sheega.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.